Tuesday, January 16th, 2018
.

Madaxweyne Farmaajo oo Noqon Doona Madaxweynahii Ugu Horeyey Ee nabad ka Dhiga Gobolada Dhexe,Ahlusuna Shuruuda Ku biirida..

,
Published on April 21, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa   Shir muqdisho ugu Qabtay Ku wada Hadlayana Ahlusuna Iyo galmudug Si markaasi kadib madaxweynaha Galmudug Loo Soo Doorto maamulkaasi Galmudug oo madaxweynahii Iska Casiley.

Gobolada Dhexe Oo la Sheego inay yahiin Gobolada Soomaaliya  20 Sano dagaalada Qabiilada Ugu Weynaa Ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Waxa Uu kula Dardaarmay labada Dhinac Ee Ahlusuna Iyo Galmudug Inay Heshiis Muhim U Ah dalka wada Gadhaan.

Shuruudaha Ahlusuna Wadato

Wadahadalka Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa wali hakad ku jira inkastoo ay dhinacyadii is hayay ay magaaladda Muqdisho kuwada sugan yihiin.

Sababaha keenay in dib uu udhaco wadahadalka ayaa lagu sheegay iney sharuudo adag wataan maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Sharuudaha ay wataan ayaa waxaa ku jira kuwa aan xataa ucuntami doonin dowladda Soomaaliya halka sidoo kale qaarkood ay diidan yihiin maamulka Galmudug.

Hoos ka Akhri Sharuudaha Ahlu Sunna

1. In Doorashada ka dhacdo Dhuusa Mareeb

2. In Baarlamanka Galmudug loogu daro 45 Xildhibaan ayna ka yimaadaan dhanka Ahlu Sunna

3. In maamulkooda la siiyo Madaxweyne Ku Xigen (Qodob si weyn loogu muran san yahay)

4. In dowladda Soomaaliya ay siiso Taliyaha Ciidanka Qeybta 21aad

5. In Ciidamada Ahlusunna laga dhigo kuwa katirsan dowladda Soomaaliya.

6. In la siiyo Guddomiyaha Gobolka Galgaduud

7. Sidoo kale in la siiyo Guddomiya-yasha degmoyinka Dhuusamareb , Guriceel , Caabudwaq Iyo Xeraale.

8. Waxaa jira warar sheegaya iney dalbadeen lacag dhan  5 Milyan dollar taas oo ay ku sheegeen iney siinayaan askartii mudada dheer soo dagaalameysay iyo maamulkii gacanta ku hayay

9. Sidoo kale waxaa ay dowladda madaxweyne Farmaajo ka dalbadeen xilal ubadan Safiiro wadamada caalamka qaarkood

10. Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa dooneysa in 50% Gollaha Wasiirada Galmudug la siiyo.

Si kastaba, qodobadan ayaa waxaa ku jira kuwa aysan raali ka aheyn dowladda Soomaaliya, waxaana soconaya wadahadalo hordhac ah oo arimahaas xal looga gaarayo.

 
.

Readers Comments (0)






WARARKA MAANTA

DAAAWO VIDEO:Itoobiya Oo Adis Sababa Ku Kulminaysa Puntland Iyo Soomaliland(VIDEO)

January 17, 2018

DAAWO;-Jiidaha gobolka sool oo Ay kusoo Qulqulayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Ka dhan Ah somaliland Wararkii Ugu dambeeyay

January 16, 2018
Dhowaan ayay Ahayd kadib markii Ay ciidamada maamulka Somaliland  ay la Wareegeen Gacan kuhaynta magaalada Tukaraq oo katirsan ...

DAAWO VIDEO:Puntland”Soomaliland Shabaab Oo kalaan Ula Dagaalamaynaa”

January 16, 2018

DAAWO VIDEO:Soomaliland”Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayaa Qaxi Doona”

January 16, 2018
Maamulka Soomaliland Ayaa Mar kale ka Hadlay dagaalka Xiisada  Tukaraq waxayna Sheegeen Inay Mid Uun Qaxi Doonaan Laascaanood ...

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo & Wafdi uu hogaaminayo oo goordhow gaaray Dh/mareeb

January 16, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Cadaado ...