Marqaan News Agency » DAAWO VIDEO:Maraykanka OO ciidamo u Soo Diraysa Soomaaliya

DAAWO VIDEO:Maraykanka OO ciidamo u Soo Diraysa Soomaaliya

Dowlada Maraykanka Ayaa Qirtay  Inay darsin ciidamadooda Joogaan Soomaaliya,Madaxa  Taliyaha Afrika Ee Maraykanka  (Africom) ayaa Shir Uu U qabtay wariyaal  tilmaamay in Pentagon Uusan hada Kordhinayn Dagaalka Soomaaliya Lakin Ciidamada Jooga Yahiin Kuwo  Doonaya Inay  Caawiyaan Dagaalka Shabaab Loogu Jiro.

Corps General Marine Thomas Waldhauser u sheegay suxufiyiinta shir Washiton Ku qabtay, in daraasiin ka mid ah askari oo dheeraad ah Oo American Ah  loo diray Soomaaliya.

“Ciidamadani Waxaa  ugu horayn waxa loogu tala galay inay kaa caawiyo si ay u tababaraan ciidamada Soomaaliya si ay u noqdaan wax ku ool ah oo la dagaalanka Al-Shabaab, Gen Waldhauser Waxa Uu intaasi ku daray Inay maamulka [Donald] Trump Xoojin Doono  Duqeynta Shabaab.

Waxa Uu Sheegay In Amarkani lasiyey Maraykanka oO Dowlada Soomaaliya Ka Codsadeen Iyo Midowga Afrika Inay  Caawiyaan Duqeyntaasi diyaaradaha Dagaalka ciidamada Dowlada Iyo kuwa AMISOM  Kaga Horjeedaan Shabaab xarumahooda.

Waxa Uu  Sheegay Generalkani “waxaan Qeydiisana Dowlada Soomaaliya  Duqeynta Oo noo Ogolaata,Mana Fududa Duqeyn Diyaarado ka Kacaya Saldhigyo Fog,waxaanu ka taxadarna Inaysan dad Shacab Ah wax Kunoqon,Anaga Iyo AMISOM.

Marakanka Ayaa Qiray Inaysan Xididada U saari karayn shabaab AMISOM lakiin looga Bahan yahay Markasta Inay Helana Ciidamada Soomalida oO Xog leh,Ayna ku tageeraan Inay dagaal uga Adkaadana dagaal yahanada  Shabaab.

Dhowr Jeer Ayaa  Siweyn Loo hadal hayey Inuu maraykanka cutubyo Ciidamadiisa Joogan Soomaaliya,Kuwaasi oo xataa Aysan mar marka Qaar Dowlada Soomaaliya Waxba Kala socon,iyadoona Sababta Tahay xarunta Xalane Oo Xili habeen Hubka Uga Soo dego AMISOM Iyo tababarayaasha Ciidamada Ajinabiga Ee jooga Soomaaliya.

Mar Mar Qaarkooda Waxa Loo diida Wasiiro dowlada Faderalka Inay booqdaan xarunta xalane taasi oo muujinaysa  Tixgalin la’aanta Dowlada Masuulintooda Inay saraakiil nabad Ilaalin marti uga Noqdan wasiiradii halkii dalka  Ajinabiga Ka joogeen,waxana Ugu danbeeyey Todobadkani markii lo Diidey Wasiiro inay Booqdaan.

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *