Marqaan News Agency » 6 Qodob oo ay qasab tahay Inuu ka fakaro MD Farmaajo Kahor inta uusan Imaaraadka ka ogolaan Heshiiska Berbera

6 Qodob oo ay qasab tahay Inuu ka fakaro MD Farmaajo Kahor inta uusan Imaaraadka ka ogolaan Heshiiska Berbera

Waxaa isa soo taraaya wararka ku saabsan in Dowlada Somalia ay dib uga laabatay go’aanka is hortaaga Heshiiska maamulka Somaliland ay ku bixisay dhulka baaxada weyn ee la filaayo in dhawaan Dowlada Imaaraadka ka dhisato Saldhig Millitery oo laga duqeyn doono Xuutiyiinta dalka Yemen.

Qorshaha ay dowlada Somalia dib uga laabaneyso is hortaaga Heshiiska lagu bixiyay Saldhigaasi ayaa Caqabado badan u keeni kara Dowlada Somalia.

Caqabadaha uu Madaxweynaha Somalia kala kulmi doono dib uga laabashada is hortaagiisa ku aadanaa Heshiiska Saldhiga Berbera ayaa saameyn xoogan ku yeelan kara xiriirka kala dhexeeya Golaha Shabka Baarlamaanka Somalia iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ku haminaayay dowlad ka dhabeysa himiladeeda ku aadan difaaca dalka iyo badbaadinta Hantida maguuraanka ee Qaranka.

CAQABADAHA UU FARMAAJO KALA KULMI DOONO DIB UGA LAABASHADA GO’AANKA IS HORTAAGA HESHIISKA

1-Kalsooni darro ka dhex curata Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Shacabka Soomaaliyeed.

2-Rajo beel ku dhaca Shacabka Soomaaliyeed oo horay ballanqaad difaaca dalka ah ka helay Madaxweyne Farmaajo oo hadda u muuqda mid ka laabtay go’aankii uu ku diidanaa Heshiiska Berbera.

3-Muuqashada rajooyinka ku aadan in DFS ay halkeeda kasii wadi doonto waxyaabihii lagu dhaliili jiray dowladihii ka horeeyay tan Farmaajo.

4-Kalsooni darro ka dhex curata Madaxweynaha Somalia iyo Xildhibaanada isbedel doonka ah, maadaama markii hore ay ku midoobeen in la badbaadiyo dalka iyo Kheyraadkiisa.

5-In go’aanka dib uga laabashada is hortaaga Heshiiska lagu bixiyay Saldhiga Berbera ay dhiiro galiso Maamulada kale ee dalka oo iyaguna heshiis la gali doona dowladaha Shisheeye ee ka faa’iideysanaaya Kheyraadka uu alle ugu maneystay Somalia.

6-In Shacabka Soomaaliyeed ay dayacaan ballanqaadkii ay u sameeyen Farmaajo ee ahaa inay kala shaqeyn doonaan Amniga iyo Horumarka, kadib markii uu ka weecday qodobkii lagu taageeray ee ahaa is hortaaga Heshiiska lala baalmaray Baarlamaanka Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacbiyad aan xisaab laheyn kala kulmay Umadda Soomaaliyeed tan iyo markii loo doortay Madaxweyninimada Somalia, waxaana muuqaneysa in dhammaan taageeradaasi ay hakat gali doonaan haddii ay dhacdo in la laalo qorshaha lagu hor istaagaayay Heshiiska lagu bixiyay Saldhiga Berbera.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho iyo Caasimadaha Gobolada dalka ayaa aad looga hadal hayaa qorshaha wadada kusoo jira ee lagu suuragalinaayo dib uga laabashada go’aanka ay DFS mar hore ku diiday Heshiiska Saldhiga Berbera.

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

5 Responses to 6 Qodob oo ay qasab tahay Inuu ka fakaro MD Farmaajo Kahor inta uusan Imaaraadka ka ogolaan Heshiiska Berbera

  1. sOmalilander says:

    K
    Kk
    Kkk
    Kkkk
    Kkkkk
    Kkkkkk
    Kkkkkkkk

  2. aisha says:

    Farmaajo waa wadani geesiya aamusan inta badan watu nabigenu yiri scw nin hadal badan aqyaar maha marka koowad farmaajo iidoor guna oo tugaa melbuusaray wax walba gacantiisay ku jiraan anagu hada nahay hawiye wan u dhiibnay daöka wana tageernay gacmo wadajirbay wax ku gooyaan lakiin darood ayeey dhankooda ka dheelinaysaa waliba harti waa gun sida iidoor xasidiina oo daba dhilifa xasidna naftiisu xasid ku yahay c/gaas waa kas lugooyo iyo dibindaabyo la warergayee xabashida u jaajuskaa dhulbahante iyo warsangali waa kuwaa iidoor wagaashle uu siduu doono ka yeelo walaahi wan yaaba markan arko dhaqankooda iyo say isu duleeyeen

  3. Xaaji saalax says:

    Aisha
    Xaa Ku daaraye noo caayi agaah

  4. mingistume soo dag says:

    Dowlada united Emirate waxay naga mudan maanta in ku wareejin dalka oo dhan maxaa
    Wacay waa dowlada Carabta kaliya Ee garab istaagtay ummada soomali oo dhan Ee abaarta
    Daran ku jira hiil iyo hoo la Garab istaagtay daruufta Adag oo maanta dalk hooyo ka
    Jirta. WAXAAN LEEYAHAY ILAAHEY HA IDINKA ABAAL MARIYO SIDA AAN NOOGU HIILISEEN.
    VIAKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKVIVAYAAAAAAAAAAAAAAASALAMMMMMMMMMMMMMMMMMMMMMMMMMM
    SHUKRAN JASIILAN YAA IKHWAANII AXYAA WADAN DOWLADA EMIRATE

  5. Kayze says:

    Zabiil-lander —– weli ma qoslayaa? tolow muxuu ku qoslaa, wuu ogyahay idoor waxa ay yihiin,wuu ogyahay in maamul beeledka aysan awoodin inay hashiis saxiixi karaan,kkk kkkk kkkk heshiiskii idoor waxaa gacanta ku hayo farmaajo iyo xukuumaddiisa marka iska niiqlee , awalba ass hole la kufsado ayaad ahayde.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *