Sunday, January 21st, 2018
.

DEG DEG:Marakanka Oo ka Laabtay Dagaalkii Kuuriyada Waqooyi ,Maraakiintisa La Laabtay

,
Published on April 20, 2017 by   ·   1 Comment

Markabka qaado diyaaradaha dagaalka iyo mid ka ciidamada ee Mareykanka ayaa la sheegay in aysan aadin dhanica Kuuriyada Woqooyi.

Waxaa soo baxayo warar sheegaya in maraakiibtaasi dagaal ay aadeen dhinac kale oo ka duwan meeshii uu sheegay Donald Trump.

Ciidamada badda ee Mareykanka waxay sideedii bishan sheegeen in ay u jiheysteen dhanka gacanka Kuuriya, si Kuuriyada Woqooyi ay cadaadis u saaraan.

Isbuucii tagay, madaxweyne Trump wuxuu sheegay in ciidamadooda loo yaqaano ‘armada’ uu u diray Kuuriyda Woqooyi.

Laakiin Waxaa lagu warramayaa in maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ay aadeen dhanka Sunda ee badweynta Hindiya.

Mareykanka hadda wuxuu sheegayaa in marka hore ay tababar la soo sameyn doonaan ciidamada Australia.

Militariga hadda waxay u sii socodaan dhanka Galbeedka badda Pacific-ga, sida lagu amray. Waxa sidaasi sheegay sarkaalka hogaaminayo.

Ma cadda in ay ulakac tahay ama khiyaano tahay in Mareykanka uu ka soo noqdo jihada North Korea.

Waxay noqon kartaa in ujeedada ay ahayd in la cabsi geliyo hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un.

Sidoo kale waxaa lagu tilmaami karaa isfahan la’aan dhexmartay ciidamada Mareykanka iyo Madaxweynahooda, sida uu sheegay weriyaha BBC ee Korea, Stephen Evans.

 

Kuuriyada Woqooyi iyo Mareykanka ayay dood kulul dhexmartay dhowaan, sidoo kale dhaqdhaqaaqa ciidamada Mareykanka ayaa sare u qaaday shakiga ah in Mareykanka uu doonayo in uu dagaal billaabo.

Dhanka North Korea, waxay bilowday diyaarinta ciidamadeeda, waxayna sameeyeen dhoolatus ay ku soo bandhigeen awoodooda ciidan iyo midda hubka.

Waxay sidoo kale North Korea tijaabisay gantaal, taas oo u muuqatay in ay ugu jawaabeyso Mareykanka.

Talaadadii, Mareykanka wuxuu Kuuriyada Woqooyi ku eedeeyay iskudey ah “in colaad ay billaabato”, ayadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka James Mattis uu tijaabada gantaalada ku sheegay mid taxadar la’aan ah.

Wuxuu Mattis sheegay in Mareykanka uu si dhow Shiinaha ugala shaqeynayo tallaabada laga qaadayo Kuuriyada Woqooyi.

Maamulka Pyongyang wuxuu sheegay in isbuuc kaste uu hal gantaal tijaabindoono, wuxuuna ku hanjabay “dagaal aan waxba la isula hari”, haddii Mareykanka uu duullaan qaado.

“Haddii Mareykanka uu qorsheynayo duullaan militari, waxaan uga jawaabi doonnaa nukliyer”, ayuu yiri ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee North Korea, Han Song-ryol.

.

Readers Comments (1)

  1. mingistume soo dag says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Runtii ayuu Ogaaday maraykanka waalan markii uu Ogaaday kuuriyada waqooyi aysan
    kaftan Aqoon Dagaal waa u Dagaal Ganbasho iyo cabsi warkeeda (Daah).aleehe, saaxiga
    Ayuu keenay maraykanka wuu ogayahay in uu ku jabay kuuriyada waqooyi geesiyiinta
    Dowlado saaxiib dhaw la leh maraykan ayaa talo u soo jeediyeen meel xun ayaad gashay
    ISKAGA BAX OO CELI MARAAKIIBTADA DAGAALKA INTA AAN LAGA BURBURIN.






WARARKA MAANTA

DAAWO SAWIRADA:Caleema Saarka Garaad C/rashiid cismaan Waraabedheere Oo Ka Dhacay Maanta Deegaanka Banyaal Oo Ka Tirsan Gobolka Cayn .

January 21, 2018

DAAWO VIDEO:Shacabka Tukaraq Oo kacdoon Soomaliland Ka Dhan Ah Bilaabay,Inaysan Aqbalayn.

January 20, 2018
Shacabka  Kunool degmada Tukaraq ee Gobolka Sool Ayaa Aragtidooda Ka Dhiibtey dagaalkii Tukaraq Iyo Duulaanka Soomaliland. waxay Sheegeen Inaysan ...

DAAWO VIDEO:VOA Oo Baahisey Khilaafka Thaabit Iyo RW Khayre Iyo Xilka Qaadista.

January 20, 2018

DAAWO VIDEO:Fanaanada Sacdiyo Siman Soodhaweyn Loo kala Hadhin Nairobi.

January 20, 2018

DEG DEG DAAWO:-Muuse Biixi Oo kahadlay Dagaalkii tukaraq Ee Puntland Iyo Somaliland Iyo Arimo Kale Badan..

January 20, 2018
Madaxwyanaha Somaliland Muuse Biixi oo Warbaahinta maanta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa ka hadlay Arimo kala duwan, oo ...