Marqaan News Agency » Wajiga Sadexaad Ee wada Hadalada Somaliland Iyo Khaatumo Oo Dhawaan Furmaya

Wajiga Sadexaad Ee wada Hadalada Somaliland Iyo Khaatumo Oo Dhawaan Furmaya

Wararka Aanu ka Helayno labada Dhinac Ee Dhawaan Ku Shirayey Adis sababa Waxay Sheegayaan Inay Dhawaan wajiga Sadexaad  Ee wada Hadalada Uga Furmayaan Adis Sababa Dalka Itoobiya Iyadoona Mar Kale ka Wada Hadlayaan Qodobadooda.

Wajiga sadexaad waxa La Sheegaya Inuu Noqon Doono mid xiiso badan U leh Dhinacyadooda Inkasta Oo dad Ka badankooda UUsan Xiiso galinayn waxana Looga Hadlaya  isku biirida Labada Dhinac Iyo Qaabka Ay Ku heshinayaan Si rasmi Ah.

Waxa hada;ladani mudada Socdey Ayaa Laba Waji hore Ku Kulmay Adis sababa Lakiin dadka Sool,Sanag Iyo cayn ayaa Sugaya Waxay Noqon Doonaan Qodobada Wajiga Sadexaad Iyo inayba Heshiis Kama Danbayn wada Qadanayaan.

Ilo Lagu kalsoon yahay Ayaa Sheegaya Inay Bisha Soo Socota 5 Teeda Kulanka Sadexaad ka Dhacayo Adis Sababa dalka Itoobiya.

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

3 Responses to Wajiga Sadexaad Ee wada Hadalada Somaliland Iyo Khaatumo Oo Dhawaan Furmaya

  1. Ahmed says:

    axa sida cadceeda u cad in uu dadka wada degan Somaliland ama sida dadka qaarkiin u yaqaaniin Goboladii reer woqooyiga uu waa cusubi u furmay. Waxa iska cad in ruug cadaaga imika sii dabar go’aya ee labada dhinac u dhashay ee Ingiriisku intaanu inaga tegin wax barashadooda intii hoosaysay ku qaatay iskuuladii ay ka midka ahaayeen camuud sida Profesor Galayd iyo Siilaanyo ay doonayaan inay uga tegaan dadkooda wax wanaagsan. Inay kusoo dabaalaan dadkan ay baladu kala firdhisay, nabad iyo is afgarasho. In ay jiilka soo kacaya aanay colaad uga kala tegin ee ay isku soo hiraan. In ay dib usoo nooleeyaan dhaqankeenii iyo walaaltinimadii kala baahday. Inay jiiraankan siyaabaha kale loo kala ababiyaya ee la moodo in la’isku khuukhinayo indhahooda caadkan la’isku mariyay ka ka qaadaan oo ay tusaan waxa ay walaaltinimadu, ood wadaagnimadu, xididnimadu, wax wada lahaanshuhu iyo is jeclaantu ay uga mudan tahay mudacyo la’isku yuub yuubo iyo qabiilaysi iyo reereysi aanay loo maaro helayn.

    Hadaba hadii uu jiilkii soo wada caano maalay ee hadana kala irdhoobay ay sidaas garteen maxaa inala mudan jiilkeenan danbe ee kusoo indho biriiriqsaday iyada oo ay colaado jiraan iyo intii inaga inaga danbeysay ee qoloba ay kusoo kortay xeyndaabka reerkooda oo keli ah oo qaba indho meel qudha ah uun arkay?

    Anigu aaban idinka waayo aragsanaado oo aan nasiiba u yeesho inaan ku dhasho Xamar oon soo arko dhaqanka halkaas yaala, soona arko dhaqanka woqooyi ama Somaliland yaala. Imikana aaban qurbo joogo oon arko sida aduunku iyo wadamada horumaray u dhaqmaan.

    Aniga waxay ila tahay inaynu inteenan reer somaliland ee islihi aynu dhegaha isku furno. Inaynu ka korno yooyootanka iyo ismaqal la’aanta. Haday hoos isku sii fadhno waxaan hubaa inaynaan wax badan isku diidanayn. Waxaa iskaga kay cad inaynu horumar iyo meel sare oynu gaadhno wada doonayno. Inteenan aanan danahayaga shakhsi jecleyn inay ka horumariyaa dadka halkaas ku nool ee iyagu inooga nugul wax walba oonan heysan fursadaha eynu heysano, waxaan hubaa inaynu inagu xag xagashada iyo faro isku fiiqa iskala hadhi karno. Waxaan hubaa inaynu fursad wanaagsan u heysano in aynu dadkeena dhulkii jooga la hadalno oo markay waxa xun sameynayaan aynu ku nidhaahno waxaasi ma wanaagsana ee ka joogsada.

    Waxaa aan xusuustaa beesha aan u malayno inay Ayuub aheyd oo beri uu Siilaanyo wax isku shaandheeyay uu ka qadiyay xilalkii. Uuba ka qaaday calaashaan Agaasime Wasaaradeed oo ahaa xilka keli ah ee ayba ka hayeen Dawlada ay mudaharaadeen oo ay dhegexaan tuur tuureen, taayirona gubeen. Suldaankoodiina jaqaaqda guray. Waxa lasoo hadlay aqoonyahankoodii qurbaha joogay oo u maskax celiyay. Waxa ay ku yidhaahdeen jago yar oo hal qof laga qaaday nabad gelyada qalelaase ha u gelinina. Waxay u tuseen in beriba mid kale loo magacaabi karo. Waxaan aad ugu qushuucay markii uu Suldaankii dhamaa ee quuqaaqda hayay ee lamoodayay in dadkiisii badh la laayay siduu u qeylinayay mar keli ah ku yidhi reerkiisii buuqa joojiya. Markii Saxaafadu wareysatayna uu yidhi aqoonyahankayagii qurbaha joogay ayaa nala soo hadlay oo igu yidhi jooji rabshada waad khaldantahaye.

    Hadaba sidaas oo kale ayaynu inaguna ula hadli karnaa dadkeenii dhulka joogay ooynu ugu hoga tusaaleyn karnaa waxa san.

    Hadal iyo dhamaantii, anigu waxa aan idinku guubaabin lahaa inaynu is raacno ooynu danta dadkeena saboolka ah ka shaqeyno siday wax u noqon lahaayeen intaynu inagu sii hurinayno balayaada.

    Wabilaahi towfiiq.

  2. Barwaaqo says:

    Ahmed hadalkaagaa aad baan kuugu raacsanahay, waliba Isaaqu ha bilaabo walaalaynta.

  3. WAGAR says:

    CAJIIB GOORMAY ISKADAYN HARUUBRAACA NIMANKAN HARTI OO MARWALBA KU HAYA ANAGA REER WAQOOYI AH MAXAA KAKHALDAN MAY DANTOODA RAACDAAN WAA CAJIIN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *