Marqaan News Agency » XOG SIR AH:Doorashada Bari Gudoonka Barlamaanka Oo Xiiso Badan wadata..

XOG SIR AH:Doorashada Bari Gudoonka Barlamaanka Oo Xiiso Badan wadata..

Marqaanmedia-Muqdisho:-Waxa Bari la Doonaya Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Iyo Kuxigeenkiisa ,Iyadoona Bari noqon Doonta Doorasho xiiso Badan Oo Dhinacyo badan kala Tageerayaan,Waxa Jira Koox Doonaysa Sanadkani inay Ka Guuraan Beesha Koonfur Galbeed Gudoonka Barlamaanka.

Lakiin Muqdisho waxa ka Socda Olole Xoogan Oo Looga Horjeedo isla Go’aanka Waxaana lagu tageerayaa In Gudoonka Barlamaanka Uu Kusoo baxo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Oo hada Ah Musharax Xilka Gudoomiyaha Waxana Uu kula Tartamaya  Xildhibaan Xidig.

Ololahani waxa U saameyey Dhamaan Musharaxinta Xilka Madaxweynaha Oo iska Fogaynaya Inay Doorashada Wax iska Badalaan madaxweynaha Iyadoo samayn Ku yeelan Doonta  Doorashada Madaxweynaha Iyo waliba Raysal wasaaraha Soo Socda.

Hadaba Yaa tageersan  Jawaari Yaase tageersan Xidig

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa Tageersan Inuu noqdo Gudoomiyaha Barlamaanka Dhamaan Musharaxinta Madaxweynaha  Haba Ugu badnadeen Musharaxinta Beesha Abgaal  Inkasta Dhamaan Musharaxinta Madaxweynaha  Tageerayaan.

Musharaxinta Muqdisho ku sugan Ayaa Dhamaantooda iska Ururiyey Lacagta Ku baxaysa Inuu Kusoo baxo  Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudomiyaha Barlamaanka Iyagoo  Beelaha Darood Gar Ahaana  Majeerteen Iyo  Marexaan  Ka Midaysan yahiin inuusan Xidig noqon Gudoomiyaha Barlamaanka Si Madaxweynaha Samayn ugu yeelan.

Sidaasi si la Mida  Musharaxinta Ugu badan Oo beesha Abgaal sanadkani Ah Iyaguna Waxay Doonayaan Inusan kursiga Wax iska Badalin,Tusaale Ahaan hadii xidig Uu Kusoo baxo Gudomiyaha Barlamaanka waxa Raysal Wasaare  Ku qasbanaan Doona Inay Helaan Beesha Digil iyo mirifle.

Waxa Kursiga Madaxweynaha Doorashada Isku Soo Hadhi Doona Digil Iyo mirifle Oo Iyagu marna Hal Kursi isku Arag,Xildhibaanada  Ugu badan Oo  Kursiga Ku haya  Madaxweynaha Abgaal Ayaa Ah xildhibaanada  Digil Iyo mirifle.

Dhanka kale  Xildhibaanada  Digil Iyo mirifle waxa sanadkani u codayn Doonaan xidig waxayna Ka Codaynayaan  Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Oo Beeshiisa Kasoo horjeedaan Inuu sanadka ni iska Sharaxo Kuriga Mudaada badan fadhiyeen..

Inkasta Oo  Gudoonka Barlamaanka Uusan samayn Weyn Ku yeelan Doonin  Madaxweynaha Sida Xogta Marqana Heshay marka Laga Imado In yar Oo tuhun Ah Lakiin Wuxuu samayn doonaaa Kursiga raysal wasaaraha Cida qaadanaysa Hadii  Uusan Guulaysan  Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

4 Responses to XOG SIR AH:Doorashada Bari Gudoonka Barlamaanka Oo Xiiso Badan wadata..

  1. boondheere says:

    XIRTA MARQAAN ANIGA II DOORTA GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA KU XIGEENKA KOOWAAD MINGISTUME SOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOO DAG
    WAXAAN BALANQAADAYNAA INAAN MOOSHIN KEENIN HADAAN KEENANA LAALUUSH MA QAADANAYNO TRUST US PLEASE VOTE FOR BOONDHEERE IYO MINGISTUME MADAXWENE WAXAAN KU DADAALEYNAA INUU NOQDO NIN KA SOO JEEDO BEESHA SHANAAD SIDA BANAADIRI AMA JAREERWEYNE NOMORE KUWAAN KURSIGA ISI SIIYAY.GUDOOMIYE XIGEENKA LABAAD BAARLAMAANKA BAL IDINKU SOO XULA.KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  2. hibo says:

    abowgeey waa kudooranay mar hore.
    see tahay?
    qosolka iga dhameesay.

  3. boondheere says:

    AXMED IYO WARSAN
    SCW SAAXIBAYAAL SALAAN SARE OO QIIMO BADAN IGA GUDOOMA
    WAXAAN IDINKAAGA MAHADCELINAYAA DUCADII XALAY AAD U SOO DUCEYSEEN WALAASHEY DHAQTARKA KU JIRTO ALLAHA IDINKA AQBALO WELI ISBITAALKA AYEEY KU JIRTAA INSHALLAAH BERI AYAAN KA SOO SAARAYAA. WAA MAHADSANTIHIIN DUCDANA ALLE WAA IDINKA AQBALAY MALAHA DHAL CULUMO AYAAD TIHIIN KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  4. mingis tume@ soo dag) says:

    legand boondheer salaan Gobeed@ marka xiga waxaa ilaah ka baryaayaa
    in uu gabadha walaasha ah oo Qadarinta naga Mudan ilaahey ha siiyo Caafimaad taam oo waar aamin aamin aloow sahal amuuraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *