Marqaan News Agency » Al-Shabaab oo Toogtay Rag Ay ku Sheegeen in ay isku Galmoodeen.

Al-Shabaab oo Toogtay Rag Ay ku Sheegeen in ay isku Galmoodeen.

Wararka Naga soo Gaaraya Degmada Bu’aale Ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay Sheegayaan in Al-Shabaab Galinkii Dambe Ee Galabta ee halkaasi ku toogteen 3 Ruux.

3 ruux ee la dilay ayaa laba kamid ah waxa ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in ay sameeyeen fal ka baxsan sharciga islamarkaasina ay isku galmoodeen sida Al-Shabaab ay sheegtay.

Labada Wiil Ee la toogtay ayaa lagu kala magacaaba Isaaq  Abshir oo 20 jir ah iyo Cabdirisaaq Sheekh Cali oo 15 Jir ah.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa toogtay ruuxa Sadaxaad oo isna lagu magacaabi jiray Siciid Maxamed Cali oo isaga lagu eedeeyay in uu katirsanaa Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa Toogasho ku xukumo dad kala duwan oo ay ku eedeeyaan in ay muteeysteen falal sababi kara in la dilo.

 . . .

Nagala Soo Xiriir

Marqaannews@gmail.com

   . .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *